๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga ee Soomaaliya, Amb. Pier Mario Daccรฒ Coppi. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hayโ€™adaha shaqada ee dalka iyo horumarinta fursadaha shaqo ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiir Pier Mario ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii Talyaanigu u kordhin lahaa taageeradiisa, gaar ahaan dhinacyada farsamada gacanta (TVET), shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha. Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii dib loogu soo noolayn lahaa xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal ee ku aaddan TVET-ka, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa fursado shaqo oo waara si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada.

Inta lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadley sidii Soomaaliya iyo Talyaanigu uga wada shaqeyn lahaayeen Ajendaha Shaqo Wanaagsan (Decent Work Agenda), kaas oo ah qorshe caalami ah oo lagu xoojinayo xuquuqda shaqaalaha, ka hortagga shaqo laโ€™aanta, iyo kor u qaadista tayada shaqo ee dalka. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga labada dal ee arrimaha shaqo iyo horumarinta bulshada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraaโ€™id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

  ย  WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...