Raโ€iisulwasaaraha XFS oo si rasmi ah u furay Imtixaanka fasalada 12-aad

Date:

Raiiโ€™sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah, Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/25.

Imtixaanka Fasalka 12-aad ayaa guud ahaan ba ka furmay saaka gobolada iyo degmooyinka dalka kaas oo ka qayb qaadanayaan 39,397 Arday sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijisay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliiska ayaa si weyn u sugaya goobaha imtixaanka qaranka Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo gaar u u diray Ciidanka Booliiska ee sugaya goobaha lagu gelayo Imtixaankaโ€œWaxaan umahadcelinayaa ciidamada sugayo amaanka goobaha lagu qabanayo imtixaanka Qarankaโ€

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale