Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaas oo sanadkan ay u fariisanayaan in ka badan 39,000, arday oo ku kala sugan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siineyso tayeynta waxbarashada dalka, isaga oo xusay in imtixaanka shahaadiga ah uu yahay mid muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed iyo horumarka mustaqbalka dalka.

“Marka laga yimaado amniga, dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ay ubadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, horumarsan oo la jaan-qaadaysa nidaamyada waxbarasho ee caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay guulo wax-ku-ool ah ka gaartay dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la gaarsiiyey deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta adeegyadii kala duwanaa ee ay waxbarashadu ka mid tahay, si looga hortago amni darrada iyo jahliga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre , ayaa uga mahadceliyey ciidanka ammaanka kaalinta ay ka qaadanayaan xaqiijinta ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka iyo gaarsiinta warqadaha imtixaanka goobaha ka fog caasimadda, iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha qummaatiga u kaca ee ciidanku ay leeyahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...