MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimihii hore Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka ku qabsoontay Xarunta Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Asad Cabdullaahi Cismaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Agaasimihii Hore ee Hay’adda, doorkii uu ka qaatay horumarinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Dowladda in la sii adkeeyo amniga, lagana hortago khatarta khawaarijtu ay ku hayaan nolasha iyo nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Agaasimaha cusub ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad in uu sii amba-qaado howlgallada la dagaallanka argagixisada, xoojinta wadashaqeynta Hay’adda iyo laamaha kale ee amniga iyo kor u qaadidda xiriirka NISA iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagarta argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...