Hayaโ€™adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shir ku kulmeen dalalka ku midoobay( EAC)

Date:

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). oo lagu qabtay magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan.

Shirkan oo socday intii u dhaxeysay 9-13 Juunyo 2025 ayaa waxaa isugu yimid wakiillo ka kala socda shanta qeybood ee xubnaha ka ah EACO, oo ay ka mid yihiin hayโ€™adaha nidaamiya isgaarsiinta, hayโ€™adaha boostada, shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa bixiya adeegyada internet-ka ee Bariga Afrika.

Shirweynaha sanadkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay dhawaan ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). Ka qeyb galka HIQ wuxuu muujinayaa sida ay uga goโ€™an tahay la jaanqaadka siyaasadaha, shuruucda, iyo horumarka tiknoolajiyadeed ee isgaarsiinta gobolka.

โ€œShirarka noocan oo kale ah waxay muhiim u yihiin HIQ, maadaama aan nahay hayโ€™adda ugu daโ€™da yar ee maamusha isgaarsiinta gobolka. Waxaan si buuxda u fahamsannahay in isgaarsiintu aysan xuduud lahayn โ€” iyadoo ay sabab u yihiin arrimo ay ka mid yihiin adeegyadeenna isgaarsiineed oo gaara dalalka deriska ah (roaming), barnaamijyo tiknoolajiyeed oo la wadaago gobolka, iyo khataraha amniga internet-ka oo aan ku ekaan dal keliya,โ€ ayuu yiri Mudane Mustafa Yasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee HIQ.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale