Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Date:

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta (DIYANET) ee Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Prof. Dr. Ali Erbash.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyey mas’uuliyiinta Turkiga taageerada shuruud la’aanta ee dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Milliteriga iyo Difaaca ay u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda tan iyo sanadkii 2011, xilligaasoo ay Soomaaliya ka jirtey abaar ba’an oo saameysey dadka iyo duunyada.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Arrimaha Xajka Turkiga ee magaalada Makka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda DIYANET- ka ee Dalka Turkiga iyo sidii looga taageeri lahaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dhisidda Hay’adda Awqaafta, Sanduuqa Diiwaanka Zakada iyo tababarada khubarada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka qeyb qaaadanaya aasaaska iyo dhisidda hayadaha Awqaafta iyo sanduuqa Zakada Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha Qaran ee Xukuumada Federaraalka Soomaaliya ay hiigsanayso shanta sano ee soo socota.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...