Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Date:

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay dowladaha sida wanaagsan ugu adeegay xujeyda sannadkan. Wasiirka ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaal xooggan oo ay bixiyeen Wasaaradda Awqaafta iyo Madaxda sare ee dalka.

“Dowladaha ugu wanaagsan ee Xujeyda daryeela ayaan ka mid noqonay, abaalmarin ayaa nala siiyay,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo xusay in tani ay muujinayso horumarka iyo isbeddelka ka socda adeegyada loo fidiyo xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiir Mukhtaar Roobow waxa uu intaasi ku daray in abaalmarintan ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed oo dhan farxad u leh, maadaama Soomaaliya lagu abaalmariyay kaalinteeda muhiimka ah ee daryeelka Xujeyda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...