Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeybgalay Kulanka Golaha Sare ee Hay’adda Caalamiga ee Iskaashiga Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE) intii u dhaxaysay 2-5 Juun. Soomaaliya oo ka mid ah 90 ka dal ee iskaashiga la leh hay’addan, ayaa ku matasha Golaheeda Sare 13 dal oo Bariga iyo Bartamaha Afrika ah.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay arrimaha hortebinta u leh waxbarashada caalamka iyo sidii hawlaha GPE sare loogu qaadi lahaa. Waxaa lagu gorfeeyay qorshaha shanta sano ee soo socota 2026 – 2030, iyada oo xoogga la saaray arrimaha maaliyadda iyo kaalmooyinka caalamiga ah, xilli ay duruufo culus iyo isbeddello ku yimaadeen deeqaha caalamiga iyo meelaha ay mudnaanta siinayaan deeq-bixiyayaashu. Si loo hormariyo waxbarashada jiilalka cusub, waxaa la isla gartay in horumarinta macallimiinta uu tiir dhexaad u yahay maxsuulka waxbarasho ee ardayda iyo diyaarinta jiilka cusub.

Si looga dabbaasho xaaladaha dhaqaale ee sii adkaanayo, waxaa bahda waxbarashada loogu baaqay in lala yimmaaddo tabo iyo farsamooyin hal-abuur leh oo loogu qareemayo maalgelinta iyo deeq-ku-bixinta horumarinta waxbarashada.

Inkasta oo waxbarashada dalalka saboolka oo Soomaaliya ay ka mid tahay weli hooseeyso, haddana waxaa loo arkaa in dalkeenu uu ka jiro dadaal xoog leh oo ay iskakaashanayaan bulshada iyo dowladda, oo ay kabayaan deeqaha caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...