Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta ay haatan yihiin kuwo firxad ah, kuna jira xaalad jahwareer iyo khuus ah, kadib weerarro culus oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadeen degaana ay ku sugnayeen khawaarijta.

“Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka”ayuu wasiir Fiqi

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale bogaadiyay guulaha ay soo hoyeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsanaa khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in uu socdo abaabulka in ay dib ula wareegaan deegaannada ay ku sugan yihiin khawaarijta ayna si qorsheeysan oo wadajir ah uga shaqeynayaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...