Ciidanka XDS oo 25 Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Date:

Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyay tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub fara badan oo ay Khawaarijtu adeegsanayeen, oo ay kamid yihiin; lix qori oo nooca PKM ah, labo RPG (Dabajeex) iyo 17 AK-47, waxaana halkaas lagu burburiyey dhagartii ay abaabulayeen kooxdaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa had iyo goor ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...