Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Date:

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaaday Khawaarijtii ka firxatay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay aagga deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Duleedka deegaanada Garas-magan iyo Ceelhareeri ayaa lagu weeraray Khawaarijta, waxaana laga saaray goobihii lagu weeraray oo ay isku uruursanayeen.

Saraakiisha Xoogga iyo kuwa deegaanka ee howlgalladaas hoggaaminaya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen cadowga, kana saareen godadkii ay ku isku uruursanayeen, maadaama ay ku soo jabeen dagaalladii malamihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelhareeri.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...