Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Date:

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa hawlgal Amni xaqiijin ah ka sameeyey deegaanada ku hareeraysan Jannaale,iyagoo isku fidiyey deegaanno balaaran.

Guddoomiyaha deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo kula hadlay shacabka deegaanka Mushaani ayaa yiri “Cadowga Khawaarijta waxa ay dhaheen Saalada Ciida waxaan ku tukanaynaa Janaale balse deegaanadii ay joogeen ayaa maanta Saalada Ciida ku oognay.”

Ciidanka xoogga iyo kuwa difaaca deegaanka ee Macawisleyda ayaa maalmihii u dambeeyey hawlgalo xooggan ka waday gobolada Shabeellaha Dhexe,Hiiraan iyo Shabeellaha hoose halkaas oo khawaarijta loogu geystay jab xooggan.

Khawaarijta ayaa jabkii ugu cuslaa la gaarsiiyey shalay ka dib markii hawlgal si gaar ah loo qorsheeyey looga dilay in ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta howlgalkan ayaa waxa si gaar ah u qorsheeyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...