Munaasabadda Xuska Maalinta Afrika oo si Qurux badan loogu xusay magaalada New Delhi

Date:

Munaasabadda Xuska Maalinta Afrika (Africa Day) ayaa si rasmi ah loogu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. Xuskaan oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax sare, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socda dalalka Afrikaanka ah ee safaaradoodu tahay magaalada New Delhi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa munaasabadda ku metelay Danjiraha Safaaradda JFS ee Hindiya, Mudane Dr. Cabdillaahi Maxamed Odowaa, oo ay weheliyeen diblomaasiyiinta safaaradda iyo xubno ka socday madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee New Delhi.

Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hindiya, H.E. Dr. S. Jaishankar, kaas oo halkaas ka jeediyey khudbad qoto dheer oo dhinacyo badan taabaneysay. Wasiirku wuxuu u hambalyeeyay dalalka Qaaradda Afrika munaasabaddooda qaran, isagoo xusay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Hindiya iyo Afrika.

Sidoo kale, Wasiir Jaishankar wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara, xasillooni, iyo dan guud ee la wadaago.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...