Wasiirka Qorsheynta XFS oo furay warbixinta Odoroska dhaqaalaha Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Faarax (Beene-Beene), ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka daabacaadda labaad ee warbixinta odoroska dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada warbixintani tahay in la helo hal xog oo dhab ka tarjumeysa xaaladda dhaqaale ee dalka, taas oo si wadajir ah ay uga shaqeeyeen dhammaan hay’adaha dowladda. Waxa uu xusay in warbixintu ay tahay mid lagu heshiin karo, isla markaana si hufan u metesha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Beene-Beene ayaa tilmaamay in warbixintan aysan ku jirin buunbuunin, iyadoo si cad u muujinaysa meelaha uu dalku ku liito iyo meelaha uu ku wanaagsan yahayba, si loo qaato go’aamo sax ah oo ku saleysan xog sugan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...