Muqdisho oo marti gelinaysa ciyaartooy caalami ah

Date:

Maanta oo taariikhdu tahay 27 May Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho waxa uu martigelin doonaa ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa labo koox oo kala meteli doona ciyaartoyda dalka iyo ciyaartoyda ajaanibta ah.

Kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda dalka waxaa ka soo muuqan doona qaar ka mid ah ciyaartoyda dalka iyo halyeeyada isboortiga dalka, halka kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda ajnabiha ah ay ka soo muuqan doonaan ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara dalka iyo ciyaartoyda martida ah kuwaas oo kala ah; Jay Jay Okacha, Samuel Eto’o iyo Emmanuel Adebayor iyo marti sharaf kale oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS Md. Maxamed Cabdulqaadir Cali maadama sida hab-maamuuska uu qabo kooxda martida ah uu hoggaamiyo masuulka martiqaaday.

Wasaaradda Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaaa taageerayaasha daneenaya daawashada ciyaartaas xiisaha lagu ku wargelisay inay garoonka soo xaadiraan xili hore si ay kaga gudbaan habraacyada amniga.

Waxaa sidoo kale taageerayaasha lagu wargelinayay in ay muujiyaan daganaan iyo ilbaxnimo maadaama beri ay magaalada Muqdisho diri doonto farriin caalami ah oo ku aaddan isboortiga iyo amniga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...