Agaasimaha NISA oo kulan la qaatay odayaasha deegaanka Tardo

Date:

Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), oo kulan gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Kulankan oo si gaar ah loo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyadoo la doonayo in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka.

Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka.

Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay in shacabka la baraarujiyo, lana xoojiyo wada-shaqeynta si looga hortagayo khatarta Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...