Wasiirka Gaashaandhigga oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar.

Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca iyo ciidamada dalka Masar ee qeybta ah hawlgalka ciidamada AUSSOM iyaga oo sidoo kale isla eegay hindisayaal wadajir ah oo lagu taageerayo kor u qaadidda tayada ciidamada Soomaaliya.

Labada wasiir waxa ay hoosta ka xariiqeen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, waxayna muujiyeen sida ay uga goโ€™an tahay in la ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada danaha wadaagga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...