Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa sheegay in Wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, hoggaaminta wax-ku-ool ka ah ee ay ka sameeyeen dhanka horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-habeynta kaabeyaasha shaqo ee wasaaradda.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Shaqadan ay ku timid dadaalka Xukuuumadda ee ku aaddan dowlad wanaagga iyo hufnaanta adeegga bulshada loo hayo, iyada oo la xoojinayo hey’adaha dowladda, si ay u helaan xarumo shaqoada u qalma.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka tarjumaya dardargelinta habsami u socodka howlaha shaqo ee hey’adaha dowladda, isla xisaabtanka, iyo kor u qaadista adeegyada dowladdu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo ballan-qaadyadii Xukuumadda DanQaran ee xoojinta dowlad-dhiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...