Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa sheegay in Wasaaraddani ay tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, hoggaaminta wax-ku-ool ka ah ee ay ka sameeyeen dhanka horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-habeynta kaabeyaasha shaqo ee wasaaradda.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Shaqadan ay ku timid dadaalka Xukuuumadda ee ku aaddan dowlad wanaagga iyo hufnaanta adeegga bulshada loo hayo, iyada oo la xoojinayo hey’adaha dowladda, si ay u helaan xarumo shaqoada u qalma.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka tarjumaya dardargelinta habsami u socodka howlaha shaqo ee hey’adaha dowladda, isla xisaabtanka, iyo kor u qaadista adeegyada dowladdu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo ballan-qaadyadii Xukuumadda DanQaran ee xoojinta dowlad-dhiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...