Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Date:

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir heer gobol ah oo looga hadlayay xal u helidda barakacayaasha iyo doorka magaalooyinka IGAD ee arrimaha barakaca.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay IGAD, waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxda magaalooyinka dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo hay’ado caalami ah sida IOM, UN-Habitat, UNHCR, World Bank, iyo Sida.

Magaalada Muqdisho waxa si rasmi ah ugu metelay shirka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Ismaaciil Cali Sheekh Nuur, oo ka jeediyay madasha warbixin ku saabsan xaalada barakacayaasha, caqabadaha ka jira gudaha caasimadda, iyo istiraatiijiyadda ay magaalada leedahay si xal waara loogu helo dadka barakacay.

Shirka waxa lagu soo bandhigay khibrado kala duwan oo ka yimid magaalooyinka IGAD, iyadoo lagu ballamay in la sii joogteeyo shirarka noocan oo kale ah, si ay magaalooyinku ugu wada shaqeeyaan sidii barakacayaasha gobolka loogu heli lahaa xalal waara, si loogaaro isku filnaasho bulsho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...