Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay Shirweynaha Bangiga horumarinta Islaamka 

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka socda magaalada Algiers, Algeria, laga bilaabo 19 ilaa 22 May 2025. Shirkan, oo ah kii 50-aad ee noociisa ah, ayaa lagu qabanayaa Xarunta Caalamiga ah ee Shirarka “Abdelatif Rahal” waxaana uu socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Algeria, Mudane Nadir Larbaoui, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirrada Maaliyadda, Safiirrada, iyo wakiillo ka kala socda 57 dal oo xubno ka ah IsDB, iyo sidoo kale hay’ado caalami ah iyo kuwa goboleed. Kulankan ayaa diiradda saaraya horumarinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga aqoonta, iyo xoojinta maalgashiga si loo gaaro koboc dhaqaale oo waara.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qaybgalaya Madasha 13-aad ee Qaybta Gaarka ah (Private Sector Forum), oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee dalalka xubnaha ka ah IsDB.

Shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama uu fursad u yahay in la helo taageero dheeraad ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, lana xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada horumarinta iyo maalgashiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay ka qaybqaataan shirarka guud ee IsDB, iyo sidoo kale kulamo gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan leh. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada bulshada.

Bangiga Horumarinta Islaamka ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee taageera Soomaaliya, iyadoo la filayo in gabagabada shirkan laga soo saaro go’aanno muhiim ah oo ku saabsan dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maalgelinta mashaariic horumarineed oo dalka ka hirgala. Sidoo kale, shirkan ayaa fursad u ah Soomaaliya inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka kale ee xubnaha ka ah IsDB iyo hay’adaha maalgashiga caalamiga ah.

Shirka sanadkan ayaa lagu qabtay cinwaanka “Kala-duwanaanta Dhaqaalaha, Kobcinta Nolosha,” taasoo muujinaysa sida IsDB uga go’an tahay in la horumariyo dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah, lana wanaajiyo tayada nolosha dadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...