Wasiir Khadiija oo kormeer ku tagtay xarunta Barbaarinta Carruurta Booliiska Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Almakhzoumi, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta Barbaarinta Carruurta ee Booliiska Soomaaliyeed. Booqashadan ayaa ujeedkeedu ahaa in Wasiir Khadiija ay si toos ah ugu kuur-gasho xaaladda nololeed, heerka waxbarasho iyo rajada mustaqbal ee carruurta halkaas ku sugan.

Wasiir Khadiija ayaa intii ay xarunta ku sugnayd la kulantay carruurta, iyadoo si dhow u dhegeysatay codkooda, warbixinna ka dhageysatay maamulka xarunta ku saabsan baahiyaha iyo caqabadaha horyaalla. Waxay carruurta u ballanqaadday in wasaaraddu ay sii xoojin doonto taageerada la xiriirta waxbarashada, daryeelka caafimaad iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah si loo xaqiijiyo mustaqbalkooda.

Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in la helo taageero joogto ah oo lagu kobcinayo fayo-qabka carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan xarumaha daryeelka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...