Shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka qorshaynta isbeddelka Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa muqdisho ka furay shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka qorshaynta isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) oo socon doona muddo afar maalmood ah.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha dowladda dhexe, maamul goboleedyada, hay’adaha Qaramada midoobay, deeq-bixiyeyaal, ganacsato iyo ururrada bulshada rayidka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa tiirka isbeddelka maamulka dowladnimo, iyadoo si qoto dheer looga dooday dib-u-eegista dastuurka, garsoorka, xuquuqda Aadanaha, doorashooyinka, isdiiwaangelinta, dib-u-heshiisiinta iyo Xasillinta.

Madashan ayaa ah mid lagu mideynayo mudnaanta Qaran, lagu qiimeynayo horumarka la gaaray, laguna xoojinayo hirgelinta qorshayaal waara oo loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...