𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗮𝘆𝗯𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶r𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qaybgalay Shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirka waxaa Wasiirka Caafimaadka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guled Abdijalil iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Carabta iyo wufuudda diblomaasiyadeed ayaa lagu ansixiyey go’aammo muhiim ah oo ku saabsan, taageerada Caafimaad ee dalalka ay ka jiraan xaalado bini’aadantinimo iyo Caafimaad, xoojinta iskaashiga gobolka, taageeridda Golaha Carabta ee takhasusaadka Caafimaadka, dhiirrigelinta dalalka ku tallaabsaday warshadaynta dawooyinka iyo booqashooyinka Caafimaadka iyo la dagaallanka faafista cudurrada dilaaga ah.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay wada-shaqaynta gobolka iyo horumarinta nidaamka Caafimaad ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka oo sheegay in dib loo billaabay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, Cabdikariin...