Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Date:

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, si Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ugu dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Ciidamada Qaranka iyo xaq u dirirka deegaanka ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, halkaas oo Khawaarijtii lagu jabiyay dagaalka ay isaga carartay, waxaana weli aaggaas ka socda howlgallada sifeynta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...