๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐๐€๐ˆ๐’-๐…๐”๐’ โ€“ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐›๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š

Date:

ku simaha Wasiirka ahna Wasiir dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa wasaarada ku qaabishay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb Pier Mario Dacco Coppi.

Kulankan ayaa ahaa mid ay goobjoog ku ahayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr. Guuleed Abdijalil iyo masuuliyiin kasocotay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed, ayadoona hirgelinta mashrucaan ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhisayo kartida iyo xirfadda shaqaalaha Caafimaadka heer federal iyoheer dowlad goboleed.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijyo waxbarasho oo heer sare ah (Executive Masterโ€™s Program) kuwasoo lagu tababarayo shaqaalaha caafimaadka si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka iyo adeeg bixinta caafimaadka.

Dr. Maryama Wasir Dowlaha Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa xustay in ay ugagoโ€™an tahay hirgelinta mashruucan muhiimka ah ayadoona la rajeynayo in uu noqdo tausaale guul leh oo horseeda barnaamijyo kale oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan suโ€™aaloโ€“weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...