Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo Dhammeystiray labo Diiwaan oo muhiim ah

Date:

Xafiiska Hantidhowrka Guud e JFS ayaa si rasmi ah u dhammeystiray laba dukumiinti oo aas aas u ah horumarinta maamulka shaqaalaha ee XHGS oo kala ah:

1. ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š oo daadihinaya jihada iyo xeerarka lagu hago maamulka shaqaalaha xafiiska, laga bilaabo habraaca shaqaaleynta ilaa qorsheynta horumarinta xirfadeed.

2. ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐d๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š oo si istiraatiiji ah u tilmaamaya halka xafiisku u jihaysanayo shanta sano ee soo socota, isagoo dardargelinaya himilo ah in la helo nidaam shaqaale oo leh waxtar iyo isla-xisaabtan, kuna saleysan cadaalad iyo xirfad.

Labadan dukumiinti ayaa si xeel dheer uga hadlaya baahida loo qabo in la hirgeliyo hannaan shaqaaleysiin oo hufan, tababarro qorshaysan oo joogto ah iyo hab qiimeyn waxqabad ah oo la isku halleyn karo. Waxa ay sidoo kale xoojinayaan muhiimadda ay leedahay in la dhiso jawi shaqo oo dhiirrigelinaya isfaham iyo wada-shaqeyn, iyada oo horumarinta shaqaalaha loo arkayo tiir-dhexaad lagu kobcinayo tayada shaqo ee Xafiiska Hantidhowrka Guud.

Sidoo kale, labada dukumiinti waxaa si qoto dheer loogu saleeyay waafaqsanaanta Xeerarka Shaqada Shaqaalaha Dowladda iyo tilmaamaha caalamiga ah ee maamulka shaqaalaha, taas oo ka dhigaysa kuwo xaqiijinaya horumarinta shaqaalaha xafiiska iyo tayeyntoodaba.

Howshan waxaa si gaar ah uga taageeray Xafiiska Mashruuca Midowga Yurub ee EU SFA, oo ah mashruuc lagu horumarinayo isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad wanaagga. Sidaas darteed, waxa aan u mahadcelinaynaa taageeradooda joogtada ah iyo garab istaagga ay siiyeen geeddi-socodkan muhiimka ah ee la xiriira tayeynta shaqaalaha xafiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale