Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgalka dhan ah Khawaarijta

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baraawe, meel qiyaastii 40km u jirta magaalada, halkaas oo lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka oo lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Argagaxisada ku lahaayeen deegaanka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 25aad Gaashaanle Dhaxe Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Aadan Yuusuf Baroon, iyo Taliyaha Xasilinta Degmada Ibraahim Xasan Geladow.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijyay in kooxda looga saaray dhul ballaaran oo ay horey u maamulayeen, iyagoo intaa ku daray in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada hoos yimaada Baraawe.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada, iyagoo sheegay inay sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...