Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Khamiistii kulan-doceed kula yeeshay magaalada Baqdaad dhiggiisa Masar, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha, Dr. Badr Abdelatty, intii uu socday Shirka Heer Wasiir ee Arrimaha Dibadda Carabta, kaas oo gogol-xaar u ah Shir-madaxeedka 34-aad ee Jaamacadda Carabta oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo Wasiir Cabdisalaan uu uga mahadceliyay Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinteeda ku aaddan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Wuxuu sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda iskaashiga labada dal iyo ka faa’iideysiga khibradaha Masar ee dhinacyada kala duwan.

Dhankiisa, Wasiir Badr Abdelatty ayaa ugu hambalyeeyay Wasiir Cabdisalaan xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo xusay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer istiraatiji ah kadib booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagay Qaahira bishii Janaayo 2025.

Labada wasiir ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si loo qotodheereeyo iskaashiga jira, lana xoojiyo xasilloonida gobolka iyadoo la adeegsanayo dadaallo wadajir ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...