Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga, kaas oo ay Soomaaliya la gashay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Heshiiskan waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda,Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, arrimaha la xiriira xajka, iyo sidoo kale warbixin la xiriirta hawlaha Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...