Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Date:

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga,Mudane Omar Cali Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-xigeenka Safiirka, Mudane Dahir Salaad Xasan, iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Suldaan Faarax Axmed,oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la socotay Wasiiru Dowlaha.

Danjire Farabadan ayaa Wasiiru Dowlaha uga warbixiyay adeegyada ay safaaraddu u hayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka, isagoo xusay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada ay safaaraddu siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota safaaradda, isagoo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada iyo ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha ayaa magaalada Berlin uga qeybgalay shir ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay, kaas oo socday 13–14 May 2025, laguna falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Danjire Farabadan iyo Ku-xigeenkiisa, Mudane Dahir Salaad Xasan, ayaa uga mahadceliyay Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen xarunta safaaradda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo Geneva kula kulmay madaxda hay’ado caalami ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...