Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saaka ka dagay caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, waa booqashadii ugu horreysay oo dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Mareykanka garoonka diyaaradaha ee King Khaalid ee magaalada Riyaad.

Booqashada Trump ayaa qaadan doonta dhoor cisho, waxaa uu booqan doona marka uu ka tego Sacuudiga dalalka Qatar iyo Imaaraadka.

Booqashada Trump ayaa ku soo aaday iyadoo gobolka ay ka taagantahay xiisado xooggan oo ay ka mid tahay dagaalka gardarada leh ee Israel ka wado Qasa, duqaymaha Suuriya iyo weerarada xuutiyiinta gacanta cadan iyo badda cas.

Madaxweyne Trump ayaa ka hor inta uusan ka soo bixin Washinton waxa booqashadiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah mar uu Isniintii khudbad ka jeediyay Aqalka Cad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...