Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo gaaray dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Date:

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ku sii qul-qulaya dhulka barakeysan, iyadoo halkaas si wayn loogu soo dhaweeynaya, kuwaas oo wajiyadooda laga dheehan karo farxadda ay u qabaan gaarista dhulka Barakeysan.

Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaaraya ilaa 11,500 oo ruux, kuwaas oo ka baxaya garoomada diyaaradaha magaalooyinka waawayn ee dalka sida Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso, taas oo qaadistooda ay socon doonto illaa 31-ka bishan May.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan 1446.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...