Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

Date:

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa ka qeybgalay xafladda Abaalmarinta Habeenka Soomaalida ee 5aad oo ka dhacday magaalada Nairobi, isagoo oo wehlinayo Guddoomiye Ku-xigeenka Nairobi, Mudane Njoroge Muchiri.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid lagu maamuusayey hal-abuurka, kartida, iyo doorka muuqda ee ay bulshada Soomaaliyeed ka ciyaarayaan dhinacyada ganacsiga, cilmiga, hoggaaminta, farshaxanka iyo isbedel-doonka.

Safiir Jabril ayaa bogaadiyey dhammaan dadkii abaalmarinta helay, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay guushan u adeegsadaan horumarinta naftooda iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin iftiin hagaya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...