Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah.

Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqaynta & iskaashiga Bulshada Raydka iyo Dowladda isagoo sheegay in ay muhiiim tahay xoojinta Madasha Dowladda iyo Bulshada Raydka, wuxuuna yiriโ€ Bulshada rayidka ahi waa qeyb aad muhiim u ah wadankaana iyo dib u dhiska dowladnimadeena, Waxaan rabnaa in aan wada Xoojinno madasha Dowladda iyo Bulshada Rayidka ah si aan u yeelanno xiriir joogto ah, laguna hago isfahamka, lagu xalliyo arimaha soo baxa, lana dhiso qorshe wadajir ahโ€.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay sida deeqaha gaabis ku yimid iyo sida muhiim u tahay in looga arrinsado arrinkaas, isagoo yiriโ€ Dunida maanta waxay wajahaysaa hoos u dhac ballaaran oo ku yimid deeqaha caalamiga ah. Soomaaliya si gaar ah ayuu isbedelkaasi u saameeyay โ€“ mashruucyo muhiim ah ayaa hakad ku yimid, Waxaa jirta in deequhu sidii hore aysan ahayn, waxaynu u baahanaay in aynu isla aragno xaalku sida uu yahay in saameyntu inta ay laโ€™egtahayโ€.

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Ururrada Bulshada Raydka ah sida joogtada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegeen iyadoo ay duruuf adag dalka ka jirto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale