Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xalay kormeer howled ku tagay goobo dhowr ah oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa boogaadiyay ciidanka Booliiska oo gurmad bini’aadanimo u sameeyay shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho oo qaarkood ay waxyeello u geysteen daadadkii ay dhaliyeen roobabkii xalay.

Mas’uuliyiinta kale ee booqday goobaha ay saameeyeen roobabka waxaa kamid ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska.

Roobabkii xalay ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka,waxaana goobaha ugu daran kamid ah waddooyinka ku yaalla Degmooyinka Waaberi,Hodan ,Xamar Jajab,Wadajir,Boondheere,Yaqshid iyo kuwo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...