Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha-u-naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi oo intii uu noolaa ku suntanaa nabad jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka.

“Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada soo kala dhexgala”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelka, bulshadii uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...