𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚

Date:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamud Abdullahi (Abukaate), ayaa si rasmi ah uga qeybgalay dood-wadaagga Shirweynaha 11-aad ee Iskaashiga Ganacsiga u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo lagu qabtay magaalada Haikou, gobolka Hainan ee dalka Shiinaha.

Dood-wadaagga ayaa diiradda lagu saaray mowduuca: “Xoojinta Iskaashiga Maaliyadeed si loo gaaro Faa’iido Wadaag iyo Guul Wadaag”. Intii lagu guda jiray doodda, Wasiir Ku-xigeenka ayaa si qoto dheer uga hadlay laba qodob oo muhiim ah:

(𝟏): 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚:

Wasiir Abukaate ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin heshiisyada maalgashi ee laba-geesoodka ah (BIAs) ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay in heshiisyadani ay dejinayaan jawi sharciyeed oo xasilloon oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga tooska ah ee shisheeye. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hadda u baahan tahay in la aasaaso hay’ado maaliyadeed oo wadajir ah, sida Bangiga Horumarinta Soomaaliya-Shiinaha ama Sanduuqa Maalgashiga, kuwaas oo si toos ah u taageeri kara mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah, sida dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, korontada, kalluumeysiga, beeraha, iyo horumarinta tiknoolajiyadda dijitaalka ah. Sidoo kale, hay’adahaasi waxay noqon karaan meel lagu wadaago khibradaha farsamo iyo dhisidda awoodda hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

(𝟐):𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐝𝐮𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚

Wasiirku wuxuu xusay in FinTech ay door muhiim ah ka ciyaari karto fududeynta ganacsiga iyo kor u qaadista ka mid noqoshada maaliyadeed, gaar ahaan ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexe (SMEs). Soomaaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhanka lacag-bixinta dijitaalka ah, iyadoo adeegyada sida EVC Plus ee Hormuud Telecom, Golis-Sahal, iyo Edahab ay si weyn loo adeegsado. Wasiir Abukaate ayaa tilmaamay in iskaashi lala yeesho Shiinaha uu ka caawin karo Soomaaliya horumarinta nidaamyada lacag-bixinta dijitaalka ah ee u dhexeeya labada dal, taasoo kor u qaadi karta ganacsiga iyo maalgashiga.

Ka-qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka ee dood-wadaagga Shirweynaha 11-aad ee Iskaashiga Ganacsiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee ay la leedahay Shiinaha, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah oo kor u qaadaya horumarka dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay oo Qabanqaabisay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim...

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...