Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Date:

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), Taliyaha Dugsiga tababarka General Dhagabadan G/dhexe Muxudiin Asbaro iyo Saraakiil kale.

Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 70 askari, kuwaas oo loo diyaariyay xirfado kala duwan oo la xiriira howlgallada ciidamada, difaaca qaranka, iyo ilaalinta nabadgelyada.

Saraakiisha sare ee tababarka soo xiray ayaa sheegay in askarta la tababaray ay yihiin kuwo si wanaagsan u diyaarsan, ayna ka qeyb qaadan doonaan howlaha kala duwan ee lagu xoojinayo amniga dalka, Waxa ay sidoo kale ammaan u jeediyeen dadaalka Midowga Yurub ee dhinaca taageerada iyo horumarinta Ciidanka Soomaaliyeed.

General Cabdullaahi Ciro ayaa bogaadiyay askarta tababarka dhamaysatay, wuxuuna ugu baaqay in ay aqoonta ay barteen ku dabaqaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...