Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Ciraaq 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Ciraaq, Mudane Cabdi Amiir Kaamil Al-Shamari, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada la dagaallanka argagixisada, xasillinta, dib-u-heshiisiinta, dimuqraadiyeynta, iyo maamul daadejinta. Labada wasiir ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.

Wasiir Cali Xoosh waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdixakiim Ashkir. Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), Mudane Maxamuud Macallin, iyo Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq, Mudane Ridwaan Xersi Maxmed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...