Maareeyaha Guud ee NIRA oo kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Gaalkacyo

Date:

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa booqasho kormeer ah ku tegay xarunta NIRA ee magaalada Gaalkacyo.

Kormeerka Maareeyaha ayaa qeyb ka ahaa u-kuurgelidda habsami-u-socodka shaqada iyo xaaladda guud ee xarunta, isagoo si dhow ula kulmay shaqaalaha halkaas ka howlgala.

Dr. Cabdicasiis Aadan Xaashi, oo ah Madaxa NIRA ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Maareeyaha xaaladda shaqo ee xarunta iyo dadaalka ay hay’adda ugu jirto adeeg siinta shacabka.

Maareeye Timacadde wuxuu shaqaalaha ku dhiirrigeliyay inay xoojiyaan adeegyada hufan ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in NIRA ay muhiim u tahay sugidda aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo horumarinta nidaamka dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...