Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...