Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani’aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida; roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof. Wuxuu si gaar ah u xusay in dhibaatada ay uga sii darayaan xaaladaha barakaca, amni darrada, iyo yaraanta maalgelinta gargaarka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalayo, Guddoomiyaha Hay’adda NIRA, Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii’aadanimada , iyo marti sharaf kale duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...