Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ka daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF -2025) oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya gargaarka, raadinta xal waara oo ku aaddan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta hannaanka gurmadka deg-degga ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bani’aadannimo oo adag iyo dhibaatooyin is biirsaday, sida; roob yaridii Deyrta, is-raaca Guga oo aan rajo badan laga qabin iyo halista sii kordheysa La Nina goobaha qaar, taas oo si weyn u saameysay nolosha malaayiin qof. Wuxuu si gaar ah u xusay in dhibaatada ay uga sii darayaan xaaladaha barakaca, amni darrada, iyo yaraanta maalgelinta gargaarka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalayo, Guddoomiyaha Hay’adda NIRA, Wasiirada Wasaaraha Gargaarka dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, Wasiiro ka tirsan Galmudug, maamulka gobolka Mudug, hay’addaha deeqaha bixiya, kuwa ka shaqeeya arrimaha Banii’aadanimada , iyo marti sharaf kale duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...