Guddoomiyaha SoDMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay laascanood

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay Magaalada laascanood kulan soo dhaweyn ah waxa uu igu sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle

Kulankan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo horumarinta ee ka howlgala deegaannada maamulka SSC-Khaatumo iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ku bogaadiyey Wasiirka doorka muuqda ee Wasaaradda Gargaarka ay ka qaadaneyso wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaannada maamulka, wuxuuna xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa maxalliga ah.

Wasiirka Gargaarka ee SSC-Khaatumo ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Guddoomiyaha iyo Hay’adda SoDMA in uu soo ajiibo ìsoo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga oo warbixin ka siiyay xaaladaha bulshada deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...