𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...