๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐ง๐จ๐จ๐ ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐œ ๐ฐ๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.

Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:

๐Ÿ. ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.

๐Ÿ. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐‹๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐ง๐จ๐จ๐.

๐Ÿ‘. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.

๐Ÿ’. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐…๐š๐ซ๐ฌ๐ฆ๐š๐๐š ๐†๐š๐œ๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐’๐š๐ฒ๐ข๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐.

๐Ÿ“. ๐–๐š๐๐๐š๐๐š ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฆ๐š๐ค๐š๐š๐› ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐ž.

๐Ÿ”. ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐š๐š๐ง ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ.

๐Ÿ•. ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐๐ž๐ ๐๐ž๐ ๐ ๐š ๐š๐ก (๐’๐Ž๐ƒ๐Œ๐€).

8. ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐’๐‚-๐Š๐ก๐š๐š๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ( ๐’๐ญ๐š๐ญ๐ž ๐‡๐จ๐ฎ๐ฌ๐ž ๐‡๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐š๐ฅ).

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha...

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrikaย 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige...

Wasiir Al-Cadaala: โ€œMeydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhiโ€.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Ciidamada Qaranka oo khasaare baโ€™an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa...