Wafdi ka socdo dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Date:

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Maamulka iyo Bulshada magaalada Laascaanood ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey wafdigaan ka socda dowladda federaalka.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.

Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, Warbaahinta Qaranka ayaad toos ugala soca doontaan macluumaad safarka Xukuumadda ee Laascaanood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...