Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka

Date:

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha , iyo xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Siyaasadda ee Dowladdii Milateriga ayaa ku geeriyooday magaalada Brussels ee dalka Blegiumka.

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafle) oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa waxaa soddog u ahaa Madaxweynihii Dowladda Milateriga Marxuum S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed S. Dafle ayaa ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Waqooyiga Soomaaliya sanadkii 1937kii, waxaana 1971 kii loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka (NSS) xilkaasi oo uu muddo dhowr sanno ah hayey, intaan loo magacaabin xilal kale oo qaran intii ay dalka ka talineysay Xukuumaddii Milateriga.

Burburkii dowladii dhexe kadib Allaha u naxariistee Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Cabdalla (Dafla) waxa uu ku noolaa dalka Eritrea, kadibna waxaa uu uga sii gudbay magaalada Brussels ee Belgiumka oo uu caawa ku geeriyooday.

Allah ha u naxariisto. Jannatul Fardowsa Allah ha ka waraabiyo. Qoyskii, eheladii, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna, samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo Aamiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...