Wasiir Beene-beene oo la kulmay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-beene), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed, iyadoo ay wehliyeen Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNICEF, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada ku aaddan hirgelinta iyo isku-duwidda Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) iyo Barnaamijka UNICEF ee Soomaaliya. Iskaashigan ayaa muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada carruurta iyo haweenka Soomaaliya.

Wasiir Beene-beene ayaa sheegay in ay Wasaaraddu ku dadaalayso in la isku dubarido qorshayaasha muhiimka ah ee dalka, isla markaana loo helo taageero iyo iskaashi dhanka hay’adaha caalamiga ah sida UNICEF si loo gaaro horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...