Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo furay kulan looga hadlayo kobcinta wax soosaarka dalka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ku dhawaaqay kulan hordhac ah oo ku saabsan “Shirka Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS)” kaasoo diiradda lagu saarayo kobcinta wax soosaarka dalka iyo helidda maalgelin ballaaran oo lagu horumarinaayo dhaqaalaha beeraha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud, agaasima waaxyad, lataliyayaasha iyo qaar ka mid ah howlwadeenada wasaaradda, ganacsatada beeraha, bangiyada, jaamacadaha iyo gabdhaha beeraha ka ganacsado.

Wasiirka waxa uu iftiimiyay in dalalka khaliijka ay maanta si toos ah u muujinayaan xiisaha ay u qabaan maalgelinta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliya, iyaga oo doonaya in ay iska ilaaliyaan cunno yari ku timaadda dadkooda.

Wuxuuna shegay in dalabyo iskaashi iyo maalgelin ay ka imaanayaan wadamadaasi, taas oo Soomaaliya u fureysa fursad dahabi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...