Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Kuwait

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaymaan Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan.

Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullaahi iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kuwait City Dr. Cabdullaahi Maxamed Sheekh ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumatinta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee iskaashiga dhaqaalaha.

Kulanka oo miro-dhal ahaa ayaa labada dhinac waxa ay si gaar ah u dul istaageen arrimaha maalgalinta iyo Ganacsiga oo madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhawaanahaanba juhdi gaar ah ku wadeed sidii loo maalgalin lahaa ilaha soosaarka dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Kuwait taageeradeeda taariikhiga ah ee ay ku laheyd hannaankii deyn cafinta Soomaaliya, waxaa kale oo uu balan qaaday in ay xoojinayaaan xiriirka wadashaqeyneed ee ay Dowladda Kuwait la leedahay Dowladda Soomaaliya si loo kobciyo dhaqaalaha iyo qorshe yaasha maalgalineed ee u dagsan Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeybgalaya shir heer wasiir oo ka socda Dooxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,...

Dib-u-furista Xarumaha Diiwaangelinta Dadweynaha ee Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS)...